Psykologi och pedagogik

Buundooyinka Carruurta – Nolol, Mas’uuliyad, dareen iyo Caafimaad Maskaxeed

av Abdirahim Ali Mahamud

Utgiven av Vulkan

Format

Häftad

Sidor

226 sidor

Språk

Somaliska

Utgiven

okt. 2025

Jämför priser

Från 276 kr
Adlibris
Bästa pris
276 kr
Bokus
Bästa pris
276 kr
Akademibokhandeln
349 kr

Priserna uppdateras löpande från säkra och trygga butiker.

Om boken

Waxaa qoray Abdirahim Ali Mahamud oo ah khabiir muddo dheer ku jiray safar uu ku baranayo, la noolaanayo, isla markaana uu u adeegayo carruurta. Wuxuu waqti badan ku qaatay goobaha carruurta lagu daaweeyo, kuwa dambiyada gala lagu caawiyo, fasallada gaarka ah ee iskuulka, iyo la joogista kuwa leh hab-dhismeed maskaxeed oo gaar ah. Khibradahaas iyo aqoonta uu ka helay barashada cilmiga dabeecadda iyo nafsiga (a behavioral-science perspective within the field of psychology) ayaa isu beddelay iftiin uu ku ifiyo fahamka nolosha carruurta, dareenkooda iyo rajooyinkooda. Buuggan waa miraha safarkaasi, farriin iskugu jirta aqoon iyo jacayl loogu adeegayo ubadka. Waa buug ka jawaabaya su’aalaha aan badanaa ka baqno in aan is-weydiinno: • Maxaa sababa in ilmaha uu niyad-jabo (Depression) ama xitaa is-dilo? • Sidee ayuu ilmaha u dareemaa marka waalidku kala tagaan? • Maxaa dhabta ah ee ka dambeeya xanaaqa ama aamusnaanta carruurta? • Sidee ayey ciyaaraha (elektroniga) iyo baraha bulshada u beddeli karaan dareenka ilmaha? • Maxa keena Dabeecadaha Kala Duwan (Behavioral difference) ee Carruurta iyo Sida Loo Wajahayo? Buuggan waxa uu ka tarjumayaa cilmi-baaris casri ah, waayo-aragnimo xirfadeed iyo u heellanaanta horumarinta caafimaadka maskaxeed ee carruurta, laga bilaabo qoyska ilaa bulshada inteeda kale.

Fler böcker av Abdirahim Ali Mahamud

Bästa pris276 kr
Gå till butik